In This Issue

 
Front Page
 
Columns
 
More News
 
At A Glance
 
Performances
 
Organizations
 
Back Issues
 
About Us
 
Subscribe
 
Contact Us
 
Advertise in
Access Press


 

Urur u adeega Qaxootiga naafada ah ee wadanka dagan:

by Abdul Gulan

Tobankii sano ee la soo dhaafay, labada magaalo ee mataanaha ah (Twin Cities) waxay noqotay caasimada jaaliyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Mareykanka. Minnesota waxay guri u tahay ugu badnaan Soomaalida dagan waqooyiga Mareykanka, ayagoo dadkaasi badidood ay dagan yihiin magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul. Ugu yaraan todobaatan kun (70,000) oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ayaa dagan gobolkan Minnesota. Labaatan kun (20,000) oo dadkaas ka mid ahna waxay yimaadeen wadankan ayagoo naafo ah. Dadkaas waxay badidood ka yimaadeen xeryo qaxooti oo Mareykanka ka baxsan ama gobolada kale ee ka tirsan U.S. oy ku soo doorteen gobolkan shaqooyinka badan ee laga helo iyo hayadaha qaxootiga caawiya.

Ururka Qaxootiga Naafada ama (DIA) waxaa sameeyey dad Soomaali ah sanadkii 2003.Ururkan oo ku shaqeeya si bilaash ah (nonprofit) waxaa hogaamiya dad naafo ah oo u istaagay sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda naafada ah ee wadankan dagan. DIA waxay ka caawisaa qaxootiga naafada ah sidii ay isku filaansho uga gaari lahaayeen xag walba ee noloshooda qaabilsan.

Qaxootiga Soomaliya ka yimid waxay ku soo qulqulayeen gobolkan ilaa uu bilowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991.

Dagaalkaas oo weli ka socdo Soomaaliya wuxuu sababay in la waayo dowlad wax u qabata shacbiga Soomaliyeed ee u baahnaa in laga caawiyo xagga waxbarashada, caafimaadka, amaanka, iyo dhaqaalahaba.

Saddex arimood ayaa badi sababtay naafada Soomaaliyeed: Kuwo ku dhashay xubnahooda oo dhiman, sida indha la’aanta, ama dhago la’aanta iyo kuwo ay xubnahoodu ku lumen dagaalkii sokeeye dartiis. Qaar kaloo badan ayaa dagaalkii sokeeye oo dheeraday dartiis, maskaxda wax ka gaareen, sida niyad jab, murugo, iyo walaac joogto ah.

Markii ay badatay adeegii ay bulshada naafada ah ee Soomaaliyeed ee dagan Twin Cities u baahnayd, ayaa DIA ay u istaagtay adeegaas oy xafiis ka furtay Minneapolis sandkan 2006. DIA waxay u qabataa bulshada adeegyo aad u badan oo la dhihi karo waa xarunta naafada.

DIA waxaa mar dhow la siiyay sharciga loo yaqaan 501(C) 3 oo u sahlaya sidii ay u caawin lahaayeen dadkooda naafada ah.

Dadkaas qaxootiga ah waxay u yimaadaan wadankan iney bilaabaan nolol fiican oo aysan xadidin naafanimada. Naafanimadu waxay marar badan ku keentaa dadka qaxootiga ay inay lumiyaan isku kalsoonidoodii ama ay ka shakiyaan wax qabadkooda.

DIA (Disabled Immigrant Association) waxaad kala xiriiri kartaan taleefanka 612-824-7075 ama cinwaanka DI_ASSO@YAHOO.COM



Search
for Access Press
Articles

 

Upcoming Events

 

Access Press, (651) 644 - 2133, Tim Benjamin, Editor

 

Bobby WorldWide Approved AAA

© All rights reserved to Access Press Ltd.
Last updated on June 12, 2006

Designed and maintained by Info Architect